Home Wararka Maanta Sweden Degmooyinka uu ku guuleestay Xisbiga SD oo loo diiday in Ardayda...

Sweden Degmooyinka uu ku guuleestay Xisbiga SD oo loo diiday in Ardayda loo diro.

0

Siyaasiyiinta maamulo degmooyinka Karlshamn iyo Olofström ee gableedka Blekinge ayaan dooneyn iney arday u diraan degmada Sölvesborg kadib markii ay maalmulka degmadaa la wareegaan xisbiyo uu ka mid yahay xisbiga Sverigedemokraterna.

Sadaxda degmo ee gableedka Blekinge ayaa qorshahoodu ahaa iney iska kaashadaan ardyada qaadata warbarashada horseedda xirfadaha maadaama degma kastaa aaney heyn arday fasal buuxin karta.

Balse kadib markii ay xukunka Sölvesborg la wareegeen xisbiyo dhowr oo uu ka mid yahay Sverigedemokraterna ayey waxey taa keentay iney xildhibaanada degmada Karlshamn ay ka baqaan iney ardaydoodu ajnabiga ah aaney dareemin in laga soo dhoweynayo Sölvesborg.

Per-Ola Mattsson (S):

– Haddii aynu waxbarashada qaar u wareejino Sölvesborg waxa dhici karta in ardayda qaar ee loo dirayo degmadaa ay noqdaan kuwo ka yimid wadamo dagaal ka oogan yahay. Waxan ognahay inaanu maamulka siyaasadeed ee degmada Sölvesborg dooneyn in ardaydaa ay ku sugnaadaan dalka guud ahaanba, ayuu yiri Per-Ola Mattsson (S).

Louise Erixon oo ah siyaasi Sverigedemokraten ah isla markaana la wareegeysa xilka madaxtinimo ee degmada Sölvesborg ayaa iminka fasax ku maqan balse Emilie Pilthammar oo ka socota xisbiga Moderaterna ayaa u aragta inaaney shaqeyneyn aragtida Per-Ola Mattsson.

– Maamulka cusub ee degmada ma sameyn doono isbeddel weyn oo la xiriira dugsiyada sare. Ardayda ka timid wadamada kale ayaa loola dhaqmayaa sida ardayda kale, ayey tiri Emilie Pilthammar.

Somaliska Stockholm

Xigasho/Radiosverige

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here