Home Wararka Maanta Norway oo Musaafurin ku xukuntay 18 sano jir sameeyay Waxyaaba Qarxa.

Norway oo Musaafurin ku xukuntay 18 sano jir sameeyay Waxyaaba Qarxa.

0

Wasaaradda Caddaaladda Norway ayaa 18-sano jir ah ku sugan dalkaasi ku xukuntay toban bilood oo xabsi ah kadib markii uusameysey qalab qarxa oo loo yaqaan ‘Homemade Firefighter’ oo ujeedadiisu ahaa in lagu qarxiyo gudaha Greenland Oslo sanadkii hore.

joornaalka Nettavisen, ayaa helay go’aanka Wasaaradda Caddaaladda ee ku aadan 18 sano jirkaasi.

18-sano jirkaasi ayaa kasoo jeeda Wadanka Ruush ah isagoo lagu xiray Greenland bishii April 8, 2017, isagoo gurigiisa ku sameeyay qalab qarxa,

Go’aanka ayaa sheegaya in “PST aaminsan tahay in uu halis ku yahay danaha aasaasiga ah ee qaranka. PST ayaa aaminsan in uu xagjirnimo ku jiro, iyo inuu qabo fikrad muujineysa inuu taageersan yahay isticmaalka rabshadaha si loo gaaro himilooyinka siyaasadeed. ”

Intaa waxaa dheer, PST ayaa arkeysa in uu ku geli doono “dembiyo la mid ah, iyo dembiyo culus oo ka badan sababta loo xiray April 8, 2017”, isaga oo dhowr jeer lagu arkay dad muhim ah oo ku nool deegaanada muslimiinta dagaan , sidoo kale PST waxay aaminsan tahay inuu “uu leeyahay sawirka cadowga ee Norway”.

Go’aanka ayaa sidoo kale sheegay in 18-jirkan uu qirtay in uu bambo ku jirtay boorsadiisa markii la xiray.

18-jirkan ayaa hadda lagu xiray Trandum ilaa maxkamadu ay dhamaystireyso kiiska.

Somaliska/ Norway today

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here