Home Wararka Maanta Maxkamada Cadaalada Yurub oo sharci daro ku tilmaamay Sharciyada leesku weydiiyo Basaska...

Maxkamada Cadaalada Yurub oo sharci daro ku tilmaamay Sharciyada leesku weydiiyo Basaska Germalka ku safra.

0

Maxkamada ugu sareysa Yurub ee dhanka Cadaalada ayaa sharci daro ku tilmaamtay sharciyada dalka Germalka ee dhigaya in dadka ku safraya Basaska iyo Tareenada la weydiiyo kaararka Aqoonsiga.

labo shirkad oo nuuca Basaska isla markana laga leeyahay dalka Spain ayaa lagu soo rogay in ay baaritaan ku sameeyay rakaabka saaran Basaskooda iyadoo la baarayo dadka aan heysan Aqoonsiga.

Maxkamada Cadaalada Yurub ayaa arintaasi ku tilmaamtay mid sharci daro ah madama Wadamada ku jira midowga yurub gaar ahaan kuwa wadaaga sharciga Schengen aysan laheyn xaduud gooni ah.

Dalka Sweden ayaa kamid ah wadamada leh baaritaanka dhanka hubinta sharciyada waxana sharciyada leesku weydiiyaa Xaduuda u dhaxeysa Denmark iyo Sweden sharcigaasi oo bilowday sanadkaa 2015 oo qaxooti badan dalka yimaadeen.

Somaliska Stockholm

Xigasho Sverigeradio

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here