Home Wararka Maanta Sweden oo doorasho ku laabaneysa hadii labada isku day ee haray lagu...

Sweden oo doorasho ku laabaneysa hadii labada isku day ee haray lagu guuldareesto.

0

Raisal wasaarihii hore ee Dalka Sweden Stefan Löfven ayaa maanta la horgeeyay barlamaanka Dalka sweden kuwaasi oo codka kalsoonida kala noqday isla markana diiday in uu noqdo raisal wasaaraha Sweden.

Natiijada barlamaanka ayaa ka dhigan in labo mar lagu fashilmay Dhismaha dowlada cusub sababtoo ah waxaa horay codka kalsoonida u waayay Ulf Kristersson oo soo jeediyay dowlad ka kooban Xisbiga M iyo KD.

imisa Cod ayaa la tijaabin karaa.

ilaa Afar tijaabo ayaa la hordhigi karaa Barlamaanka sweden waxaa hada dhacay labo kamid ah waxaana haray oo kaliya labo kale hadii lagu fashilmo waxay ka dhigantahay in doorasho cusub ay galaan xisbiyada dalka.

mudo sadax bil ayaa laga joogaa markii sweden ay ka dhacday doorashada waxana tan iyo xiligaasi lagu guuleysan dowlad hogaamisa dalka.

Afayeenka Barlamaanka Sweden Andreas Norlén oo shir jaraa.id qabanaya ayaa la filayaa in uu sheego tilaabada kale ee lagu dhaqaaqayo isbuuca danbe.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here