Home Wararka Maanta Booliska oo ka hadlay Nin lagu toogtay bartamaha Magaalada Malmö.

Booliska oo ka hadlay Nin lagu toogtay bartamaha Magaalada Malmö.

0

goob waalidiintu caruurtooda kaga tageen ee xannaanadda. ayaa xalay banaankeeda lagu toogtay nin 50 sano jir ah.

“Waan ognahay in ninkaan uu ku jiray arimo halis ah magaalada Malmö muddo wakhti ah,” afhayeenka booliska Ewa-Gun Westford ayaa u sheegay warbaahinta.

Ninka ayaa la toogtay habeenkii, isla markiiba, booliska ayaa ku dhawaaqay in uu dhintay. ninkaasi.

“Waxaan bilaabnay baaritaan horudhac ah oo dilka ku saabsan,” ayuu yiri Maya Forstenius, oo ah sarkaal saxaafadda u qaabilsan bilayska.

Booliska ayaa helay digniinta kadib markii dhoor qof ay soo waceen kuwaasi oo maqlay rasaasta dhacday.

“Waxaan haynaa macluumaad ku saabsan baabuur looga tagay goobta, laakiin imisa qof ayaa jira, ma garanayo,” ayuu yiri afhayeenka bilayska Fredrik Bratt.

Qof guri la’aan ah ayaa ka agdhawaa goobta uu falka ka dhacay..

isla markiiba xiriir kama dhaxeysiin karno falalka rabshadaha kale ee malmö ka dhaca iyo dhibaatadaan lakin waa in baaritaan lagu sameeyaa

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here