Home Wararka Maanta Dalka Faransiista 11 Qof oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacay Suuqa Chrismiska...

Dalka Faransiista 11 Qof oo lagu dhaawacay toogasho ka dhacay Suuqa Chrismiska ee Strasbourg.

0

Laba qof ayaa la diley, 11 qof way ku dhaawacmeen ka dib markii uu qof hubeysan rasaas ku furay suuqa Christmas-ka ee magaalada Strasbourg ee Dalka France.

booliska ayaa hadda jooga isla markana baaraya magaalada iyadoo qofka weerarka lagu tuhunsanyahay aan wali la qaban.

Wararka dheeraadka kale

Hal qof ayaa rasaas ku furay suuqa Christmas-ka ee magaalada Faransiiska ee Strasbourg caawa . Ugu yaraan saddex qof ayaa la soo wariyay inay si xun u dhaawacmeen. Hay’adda wararka ee Reuters ayaa sheegaysa in daraasiin dad ah ay dhaawacmeen.

lakin Sida laga soo xigtay AFP, laba qof ayaa lagu dilay weerarka.

Boolis aad u hubaysan ayaa xannibay agagaarka weerarka uu ka dhacay waxayna hadda raadinayaan qofka weerarka geestay oo an wali la qaban.

Sida laga soo xigtay wakaaladda AFP, ninka weerarka geestay ayaa lagu sheegay nin 29 jir ah oo ka soo jeeda magaalada Strasbourg kaas oo horay u yaqaanay booliska.

Somaliska Faransiiska

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here