Home Wararka Maanta Xisbiga Sverigedemokraterna ee Sweden oo sheegay in uu taageerayo Miisaaniyada M iyo...

Xisbiga Sverigedemokraterna ee Sweden oo sheegay in uu taageerayo Miisaaniyada M iyo KD.

0

Wixii ka dambeeyay doorashadii dalka ka dhacday oo aan saddex bilood dabadood la isku af garan in dawlad la soo dhiso, ayay khasbanaatay inay dawladda ku meel gaarka ahi la timaado miisaaniyadda xilliga kala guurka, hase yeeshee ey muranno ka taagan yihiin in baarlamanku sideeda ku ansixin doono iyo in kale.

Xisbiyada Moderaterna iyo Kristdemokraterna ayaa shalayto ku dhawaaqay iney miisaaniyad ku heshiiyeen. Xisbiga Sverigedemokraterna ayaa sheegay inuu la codeeyn doono miisaaniyadda xisbiyada M iyo KD, haddii mooshinkiisa miisaaniyada lagaga guuleeysto, hase yeeshee ey xisbiyada Liberalerna iyo Centerpartiet kaga hor yimaadeen middaa.

Emil Källström, af hayeenka dhaqaalaha ee xisbiga Centerpartiet:

hoggaamiyaha xisbiga Liberalerna ayaa sheegay in weligeed uu xisbi walba gaarkiisa u soo bandhigi jirey mooshinka miisaaniyaddiisa, marka laga yimaado siddeedii sannadood ee garabka midig ee Alliansen ey dawladda ku wada jireen, sida uu sheegay Jan Björklund:

Sababta ka dambeeysa in dalku aanu weli dawlad yeelan ayaa loo aaneeynayaa in aanu jirin garab siyaasadeed oo aqlabiyad ku leh baarlamanka, isla markaana suurtagal u leh inuu marsiiyo miisaaniyad ka tarjumeeysa siyaasaddiisa. Waana sababta keentay iney xisbiyada talada dalka u haya sida ku meelgaarka ee Socialdemokraterna iyo Miljöpartiet ey u soo bandhigeen miisaanyad kala guur ah oo sida ay sheegeen aanay ku caddeeyn siyaasaddooda Casaan-Cagaarkku, sida ay sheegtay Magdalena Andersson, wasiirka maaliyadda ee dawladda ku meel gaarka:

-Waa miisaaniyad laga qalfoof siibey mabaadiida siyaasadeed. Waa mid ku dhisan miisaaniyad uu horey baarlamanku u ansixiyay, hase yeeshee lagu sameeyey isbedllo ay aqlabiyaddu isku raacsan tahay. Sidaa waxaa sheegtay wasiirka maaliyadda Sweden oo dhowaantan soo bandhigeeysay miisaaniyadda sannadka 2019.

Haddaba haddii aan lagu guuleeysan in dawlad la soo dhiso inta ka horreeysa toddobaadka foodda innagu soo haya oo ku beegan xilligii baarlamanka la hor keeni lahaa miisaaniyadda sannadka 2019, ayaaney caddeeyn mooshinka ku guuleeysan doona in aqlabiyad loogu codeeyo. Ma miisaaniyadda kala guurka ee dawladda ku meel gaarka ahi soo bandhigtaa?, ma miisaaniyadda labada xisbiga ee M iyo KD baa oo taageero ka heleya xisbiga SD, mise waxaa soo bixi doono cid kale oo mooshinkeeda loo codeeyo.

Illaa hadda xisbiga Vänsterpartiet ayaa si cad ugu dhawaaqay in aannu baarlamanka hor keeni doonin mooshin miisaaniyadeed uuna u codeeyn doono midda dawladda ku meel gaarka ah. Hase yeeshee ay guuleeysan kareeyso miisaaniyadda xisbiyada M iyo KD oo taageero ka helaya xisbiga SD, haddii ey codadkooda hoos u dhigaan Centerpartiet iyo Liberalerna.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here