Home Wararka Maanta Gudiga Bulshada ee Barlamaanka Sweden oo Ansixiyay Sharci Cusub oo bilaabanaya Sanadka...

Gudiga Bulshada ee Barlamaanka Sweden oo Ansixiyay Sharci Cusub oo bilaabanaya Sanadka Cusub.

0

Gudiga Bulshada ee ku jira Barlamaanka Dalka Sweden ayaa taageeray Sharci cusub oo bilaabanaya Sanadka cusub ee nagu soo wajahan.

Sharciga cusub ayaa dhigaya in laga mamnuuco sigaarka banaanka hore ee goobaha qaar ee bulshada ku kulanto sida Goobaha lagu sugo Basaska iyo tareenada meelaha caruurta ku ciyaaraan iyo sidoo kale Al-baabka goobaha cunada lagu cuno.

Bilowga sannadka 2018, dawladdu ayaa soo jeedisay mamnuucidda sigaarka ee meelo kala duwan oo bulshada ku kulanto.

Khamiistii maanta, Guddiga Bulshada ee barlamaanka ayaa ansaxiyay hindisaha, oo dhaqan galaya bartamaha sanadka cusub gaar ahaan bishada July

Xeerarka cusub ee mamnuucidda sigaarka ayaa bilaabmi doona 1-da July, sanadka 2019.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here