Home Wararka Maanta Sweden Caruur badan oo aan tagin iskuulka kala bar xiliga Dayrta.

Sweden Caruur badan oo aan tagin iskuulka kala bar xiliga Dayrta.

0

Kumanaan carruur ah oo ku nool dalka Iswiidan ayaanan tagin dugsiga sida lagu ogaadya baaritaan la sameeyay.

In ka badan shan kun oo carruur ah ayaa ka maqnaa dugsiga muddo ka badan kala bar xilliga dayrta. Waxaa lagu muujiyay baaritaan uu sameeyay barnaamijka lagu magacaabo (Kalla fakta har gjort)

Arinkaasi ayaa ku saabsan caruurta u baahan caawimo dheeraad ah dugsiga laakiin aan helin. Waxay noqon kartaa carruur leh ADHD ama autism.

Harry oo 8-sano jir ah oo ku nool magaalada Göteborg ayaa isku dayay inuu galo fasal caadi ah. Laakiin kuma uusan guuleysan arintaasi.

Harry ayaa Hada waxa uu guriga joogey muddo lix bilood ah. Waxa uu sugayaa in uu tago fasal halkaas oo uu ka heli karo caawinaadda uu u baahan yahay.

Somaliska Stockholm

Xigasho/TT

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here