Home Wararka Maanta Magacyada Gabdho Somali Walaalo ah oo ku dhintay Magaalada Columbus ee Dalka...

Magacyada Gabdho Somali Walaalo ah oo ku dhintay Magaalada Columbus ee Dalka Mareykanka.

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Columbus ee Dalka Mareykanka ayaa sheegaya in shil gaari oo halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen labo gabdhood oo Soomaali ah halka mid kalana ay ku dhaawacantay.

Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed oo ahaa Walaalo da’ ahaana isku xigay ayaa ku geeriyooday shilkan gaari halka uu dhaawac soo gaaray gabar kale oo la dhalatay gabdhaha geeriyooday.

Booliiska magaalada Columbus ayaa wada baaritaano ku aadan sida uu u dhacay shilkan gaari ay ku dhinteen gabdhaha Soomaaliyeed, walina lama oga sida uu u dhacay shilkan iyo waxa keenay.

Ehelada gabdhahan iyo Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool magaalada Columbus ayaa aad uga naxay shilkan ay ku dhinteen gabdhaha walaalaha ah oo la sheegay in qaraabo salaan ka yimaadeen markii ay shilka galayeen.

Dalka Mareykanka waxaa ka dhaca shilal badan ay noloshooda ku waayeen dhalinyaro Soomaaliyeed, dhawaan ayeyna aheyd markii shil ku dhinteen gabdho Soomaaliyeed kuwaa oo meydkooda maalmo kadib laga helay haro.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here