Home News in English Annie Lööf iyo Björklund oo Taageeraya Stefan Lövfen hadii uu Buuxiyo Sharuudaha...

Annie Lööf iyo Björklund oo Taageeraya Stefan Lövfen hadii uu Buuxiyo Sharuudaha Soo Socda.

0

Labada Xisbig ee kala Ah Centerpartiet iyo Liberalerna ayaa u muuqda kuwa taageeraya Xisbiga Socaildemokraterna hadii uu buuxiyo Sharuudahooda.

labada Xisbiga ayaa soo jeediyay isku Qorsho ku aadan Dowlada Cusub si ay taageero ugu muujiyaan Stefan Waxana ugu weyn Dhimista Canshuurta Dalka.

Annie Lööf oo ku horeysay taageerada Xisbigeeda ee S ayaa sheegtay in ay Dooneysa in Canshuurta laga dhimo Shacabka iyo sidoo kale Shirkadaha ka dhisan Dalka iyadoo intaasi ku dartay in aysan diyaar u aheyn kamid Noqashada Dowlada Cusub.

Hogaamiyaha Xisbiga Liberalerna Björklund oo la hadlay Raadiyaha Dowlada Sweden ayaa sheegay in uu taageerayo Dowlada S hadii ay yareyso Canshuurta isagoo ku tilmaamay mid aan cadaalad aheyn waxana uu intaasi ku daray in uusan dooneenin kamid noqoshada dowlada S.

Maalinta Arbacada ee Bisha 5 December ayaa la filayaa in codka kalsoonida loo qaado Stefan Lövfen hadii uu noqonayo Raisal wasaaraha Dalka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here