Home Wararka Maanta Sharciga Cusub oo Hooyo Swedish ah u diiday in Wiilkeeda u bixiso...

Sharciga Cusub oo Hooyo Swedish ah u diiday in Wiilkeeda u bixiso Magaca ay rabtay.

0

Emelie Gustafsson oo ah hooyo Swedish ah kuna nool magaalada Vålberg ayaa loo diiday in ay magac u bixiso wiil ay dhashay dhawaan.

Hooyada ayaa wiilkeeda u bixisay magaca Skrot oo micnihiisu yahay ( Qashinka Qubka Biraha ) waxana ka diiday hay.ada Canshuraha Dalka Sweden ee Skettverket.

Sharci cusub oo dhawaan dhaqan galay ayaa Wakaalada Canshuuraha waxa uu siinayaa awood ay kaga soo horjeesan karto in waalidka ay u badkooda u bixiyaan magaca aan ku habooneen.

magacyada ay wakaaladda Canshuuruhu diiday ayey ka mid yihiin, sida ay qortay wakaaladda warar Sweden ee TT, Trollet (sixir), Anarkia (dawlad la’aan), Pung (kiish yar ee lacageed ama qooro), Prinsessan (amiiradda), Jord (dhul, ciid), Snäckan (caroog ama alaalaxay), Mysco (wax aan sharraxaad loo hayn), Farmor (ayeeyo), Stormtass (qoob dabeeylle iyo T-Rex.

Hooyada dhashay wiilkan ayaa hada sheegtay in ay abiil ka qaadaneyso magaca wiilkooda oo laga diiday.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here