Home Wararka Maanta Xukun lagu riday Nin Baakado Caano iyo biyo u soo diray Dad...

Xukun lagu riday Nin Baakado Caano iyo biyo u soo diray Dad uu Mobile uga gatay Online-ka.

0

21 sano jir ku sugan Magaalada Halmstad ayaa lagu xukumay Xukun ku aadan in uu sameeyay Qayaano isagoo isticmaalaya Websiteka Blocket.

Ninka ayaa Qaab Online ah uga iibsaday Dad badan Taleefano isagoo ku yiri waa soo diraa.

Dadka ayaa Helay Baakado xiran oo ah Kuwa Caanaha iyo Juuska kuwaasi oo laga soo buuxiyay Biyo sida uu ku waramayo Joornalka Hallandsposten.

21 sano jirkaasi ayaa kasoo horjeestay dambiga lagu eedeeyay isagoo sheegay in Shirkada Postnord ay badashay waxyaabaha ku jiray Baakadka.

Ugu danbeyn waxaa lagu xukumay Qayaano waxana dhici karta in uu bixiyo lacag gaareysa 20,000 kun oo Kr.

Xigasho MTR

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here