Home News in English Midowga Yurub oo diiday joojinta Sharci lagu soo Rogay Dalka Sweden oo...

Midowga Yurub oo diiday joojinta Sharci lagu soo Rogay Dalka Sweden oo Mamnuucaya.

0

Maxkamada Yurub ayaa maanta ku dhawaaqday in ay sii soconeyso Mamnuucida Tubaakada loo yaqaano (snus) taasi oo laga mamnuucay Wadamada Yurub marka laga reebo Dalka Sweden oo laga ogolyahay.

Shirkada ka dhisan Dalka Sweden ee soo saara snus ayaa codsi u diray Midowga Yurub iyagoo dalbanaya in isbadal lagu sameeyo sharcigaasi lagu mamnuucay Ganacsiga snus.

Siyaasiyiinta Yurub ayaa aaminsan in isticmaalka snuska uu dhalinyaro badan ku hogaamineyso isticmaalka Tobakada Caadiga iyo cabista sigaarka.

Christoffer Fjellner oo ah siyaasi Yurub ka tirsan ayaa aaminsan in Qalad lagu sameeyay Wadanka Sweden madama dad kooban ay cabaan sigaarka marka loo fiiriyo wadamada kale ee Yurub Sababtana ay tahay in dadkaasi ay isticmaalaan Snuska halkii ay sigaar ka cabi lahaayeen.

Xigasho TT

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here