Home News in English Sweden oo Qaxooti dib ugu celisay Wadamadooda Habeenkii Xalay iyo Banaanbaxyo dhacay.

Sweden oo Qaxooti dib ugu celisay Wadamadooda Habeenkii Xalay iyo Banaanbaxyo dhacay.

0

Habeenkii Xalay waxaa dib loogu celiyay Dalkooda Qaxooti kasoo jeeda Dalka Afganistan kuwaasi oo dhameestay Waqtiga loogu tala galay in ay ku noolaadaan Guryaha ay daganaayeen.

Ku dhawaad 10 Qof ayaa Qaab Xooga ah dib loogu celiyay Dalkooda waxana Dadkaasi oo u badan dhalinyaro ay ku noolaayeen Xaafada Märsta ee Waqooyiga Sweden Halkaasi oo looga qaaday Bus kaasi oo geeyay Garoonka Diyaaradaha Arland.

Boqolaal dad ah ayaa sameeyay isku soo bax kuwaasi oo kasoo horjeeda Qaxootiga dib loo celiyay waxana ay ku qeelinayeen in Nabad aysan Aheyn Dalka Afganistan iyagoo hor istaagay Buska waday Dadkaasi.

Booliska oo goobta gaaray ayaa kala eryay Dadka dhigayay Banaanbaxa kuwaasi oo aan ku guuleysan Qorshahooda in ay hakiyaan Buskaasi.

Elin Morén oo ka tirsan Ururka dhalinyarada Sweden ayaa warbaahinta u sheegay in uu ka walwalsanyahay Arinkan Madama uu markii hore ku fakarayay in la joojindoono Tarxiilida.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here