Home News in English Go,an ay gaartay Maxkamada Sare ee Migrationsverketka oo Caawindoona Mideynta Qoysas badan.

Go,an ay gaartay Maxkamada Sare ee Migrationsverketka oo Caawindoona Mideynta Qoysas badan.

0

tan iyo Sanadkii 2015 waxaa dalka sweden ka bilowday Sharciyo ku meel gaar ah kaasi oo dhigaya in Qofka Sharciga ku meelgaarka hela aanan loo keeni karin ama la midoobi karin Faamilkiisa.

Sharcigaasi ayaa hada noqday mid isbadal ku dhacay kadib markii wiil 8 sano jir ah isla markana kasoo jeeda Dalka Suuriya loo ogolaaday Faamilkiisa oo dalka ka maqan.

8 sano jirkaasi ayaa dalka iska dhiibay sanadkii 2015 waxana uu helay sharci ku meel gaar ah kaasi oo dhacaya sanadka 2020.

markii uu helay sharciga Dalka ayuu xareestay dacwad la xiriirta in Waalidkiisa loo keeno hase yeeshee waxaa xiligaasi diiday hay.ada laanta socdaalka ee migrationsverketka iyo maxkamada hoose ee laanta socdaalka.

lakin maxkamada ugu sareesa ee laanta socdaalka sweden ayaa hada wiilkaasi u ogolaatay in waalidkiisa uu dib ula midoobe iyadoo sabab uga dhigtay in sharciga uu ka hor imaanayo midka yurub iyo mid Qaxootiga Aduunka.

Madaxa laanta socdaalka Sweden Fredrik Beijer. ayaa sheegay in arintaani ay caawineyso Qoysas badan oo doonaya in ay dib u midoobaan.

ugu danbeyn dad badan oo heesta sharciga ku meel gaarka ah ayaa hada helaya caawin sidii ay faamilkooda ila midoobi lahaayeen.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here