Home News in English Sharciyo Cusub oo dhanka Qaxootiga oo ka bilaabanaya Dalka Mareykanka dhawaan.

Sharciyo Cusub oo dhanka Qaxootiga oo ka bilaabanaya Dalka Mareykanka dhawaan.

0

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wada qorsho uu ku adkeenayo Sharciyada dadka soo galaya dalkaasi ee kasoo gudbaya dhanka xaduuda koonfureed ee Dalkaasi.

Trump ayaa sheegay in uu isbadal cusub sameenayo kuwaasi oo maamulkiisa ku hoolanyahay fulintiisa.

Qorshaha la fulinayo iyo isbadalka la filayo maalmaha soo socda waxaa kamid ah dadka kaliya ee dalkaasi kasoo gala Xaduudaha Sharciga ah in loo ogolaado Magangalyo raadis qaxootinimo halka kuwa kale ee kasoo gudba xaduudaha sharci darada ah loo diididoono magangalyo raadiskooda.

Sharciga ayaa saameyn ku yeelanaya Qaxootiga kale ee Dalkaasi kasoo gala dhanka Xaduuda Mexico kuwaasi oo Qaxooti ahaan iskaga dhiiba Dalkaasi iyagoo si sharci daro ah kusoo gala.

Dalka Somaliyda ayaa ku jira dadka ka gudba dhanka xaduuda dalka Mexico kuwaasi oo qaab qaxooti ahaan loogu soo dhaweyo Dalka Mareykanka

Somaliska USA

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here