Home News in English Migrationsverket Imisa Qof ayaa heshay Sharciga Deganaanshaha ee Dugsiga Sare bishan gudaheda(gymnasielagen).

Migrationsverket Imisa Qof ayaa heshay Sharciga Deganaanshaha ee Dugsiga Sare bishan gudaheda(gymnasielagen).

0

Sida uu daabacay isla markana horay u balanqaaday Websiteka Hay.ada laanta Socdaalka Sweden waxaa lasoo saaray tirada dhalinyarada heshay sharciga deganaanshaha Dalka Sweden kuwaasi oo dhigta waxbarashada sare.

ku dhawaad 1060 kun oo qof ayaa helay sharciga deganaanshaha Rasmiga ee Dalka Sweden iyagoo caawin ka helay waxbarashada ama iskuulka sare.

Sharcigan oo loo yaqaano gymnasielagen ayaa dhawaan ka bilowday dalka kadib markii Maxkamada sare ay ogolaatay waxana waqtigaasi laga joogaa mudo bil ah.

ku dhawaad 1 482 kun oo qof ayaa sidoo kale helay diidmo tan iyo markii sharciga la bilaabay waxana sabab looga dhigay cadeemaha ay keeneen iyo Sharciga oo aan iswaafaqeenin.

warbixinta ayaa dhanka kale lagu sheegay in dadka helay sharciga dalka ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku helayaan kaarka tusaale muda labo isbuuc in uu ugu soo dhacayo kaarka deganaansha marka laga bilaabo taariikhda laga gaaray go.anka.

Wixii ku soo kordha Sharciyada Qaxootiga Lasoco

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here