Home Wararka Maanta Faafaahin Doorashada ka bilaabatay Dalka Mareykanka oo isbadal xoogan dhalineysa.

Faafaahin Doorashada ka bilaabatay Dalka Mareykanka oo isbadal xoogan dhalineysa.

0
Voters head to a polling station in Tallahassee, Florida. REUTERS/Shannon Stapleton

Shacabka Mareykanka ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta, iyadoo uu loolan adag ka dhexeeyo xisbiga Jamhuuriga iyo xisbiga Dimuqraadiga kuwaaso ku hardamaya la wareegidda maamulka labada aqal ee Kongreska.

Doorashada xilligga dhexe ee Mareykanka waxaa hareeyay olole doorasho oo ay kala qaybsanaan ka muuqato.

Waxaa la filaya in tirada codbixiyeyaasha ay sare u kacdo saacadaaha nagu soo aadan.

Waxaa kamid ahaa goobihii doorashada ee ugu hor furmay, sida degaannada xeebta ku yaalla ee gobolka Maine, gobollada New Hampshire, New Jersey, New York iyo Virginia.

Dadka Mareykanka ah ayaa dooranaya 435 xubnood oo ka mid noqonaya Aqalka Congress-ka iyo 35 kursi oo ka mida 100 kursi ee senate-ka.

Sidoo kale waxaa la dooran doonaa. gudoomiyayaasha gobollada iyo xafiisyada heer degmo.

435 kaas xubnood waxaa ka mida Ilhan Cumar, oo ah gabar Soomaali Mareykan ah, oo haddii ay guuleysato noqoto qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee gala congress-ka.

Ugu yaraan laba gabdhood oo muslimiin ah ayaa la filayaa in markii ugu horraysay loo doorto Aqalka Congress-ka Maraykanka.

Labadaas midkood ayaa kala ah, gabadh asal ahaan kasoo jeeedda Falastiin, laguna magacaabo Rashida Tlaib oo ka tartamaysa gobolka Michigan, iyo Ilhaan Cumar oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya kana tartamaysa gobolka Minnesota.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here