Home Wararka Maanta Norway 20 Sano jir kasoo jeeda Sweden oo dil ka geestay Caasimada...

Norway 20 Sano jir kasoo jeeda Sweden oo dil ka geestay Caasimada dalkaasi oo la raadinayo.

0

booliska Dalka Norway ayaa baahiyay 20 Sano jir kasoo jeeda Dalka sweden kaasi oo looga shakinsan yahay in uu dil ka geestay Caasimada Dalkaasi.

Sawirada ninkaasi ayaa lagu baahiyay warbaahinta waxana uu noqday qof aad loo doonayo kadib markii looga shakiyay 24 sano jir lagu dilay Xaafada Majorstuen ee Magaalada Oslo.

Heikki Bjørklund Paltto oo 24 sano jir ah ayaa lagu dilay gurgiisa weerar loo adeegsaday tooray oo keenay in uu u dhinto.

Sawiradiisa ayaana laga helay Camerad ku taalla goob dukaan ah oo ku dhextaal Halka laga raaco tareenada ee Skøyen.

20 Sano jirkaasi ayaa sidoo kale looga shakisanyahay in uu geestay weerar tuuknimo ah sanadkii hore dhamaadkiisa gudaha wadanka sweden.

somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here