Home Wararka Maanta Sweden iyo Wadamo kale oo loogu baaqay Joojinta Dib u celinta Qaxootiga...

Sweden iyo Wadamo kale oo loogu baaqay Joojinta Dib u celinta Qaxootiga Dhalaanka ee Dalka Afganistan.

0

Hay.ada Qaramada Midoobe qeybta badaabada Caruurta ee (Rädda Barnen) ayaa ku baaqday in Sweden iyo Wadamo kale oo yurub ah ay caruurta dib ugu celiyaan Dalka Afganistan.’

Hay.ada ayaa baaritaan ay sameesay ku ogaatay in 50 caruur ah qasab looga celiyay yurub kuwaasi oo dib loogu celiyay wadanka ay asal ahaan kasoo jeedaan ee Afganistan.

Baritaanka ayaa lagu ogaaday in caruurta qaarkood ay ku jireen rabshadaha halka qaarka kale aysan aadi karin iskuulada madama la saaray xayiraad.

Sidoo kale baaritaanka ay sameesay hay.ada ayaa lagu soo sheegay in caruurta qaarkood ay lasoo xiriireen ururka Daalibaan si ay dagaalka uga qeyb galaan.

(Rädda Barnen) ayaa ugu danbeyn sweden iyo wadamada kale ee yurub ugu baaqay in la joojiyo celinta xiligan ay dhibaatada adag ka jirto dalka Afganistan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here