Home Wararka Maanta Ulf Kristersson oo shir jaraa.id qabtay kana hadlay Fashilka soo wajahay iskudaygiisa...

Ulf Kristersson oo shir jaraa.id qabtay kana hadlay Fashilka soo wajahay iskudaygiisa Dhismaha Dowlada Cusub.

0

Hogaamiyaha Xisbiga Moderateka Ulf Kristersson ayaa shalay oo axad ah qabtay shir jaraa.id isagoo kaga hadlay iskudaygiisa dhismaha dowlada Cusub.

Waxa uu sheegay in uu ka quustay dowlada uu soo dhiso isagoo kaashanaya xisbiyada kula jira Alliasen.

Ulf Kristersson ayaa intaasi ku daray in uu wali isku diyaarinayo sidii uu u noqon lahaa Raisal wasaaraha Sweden lakin xiligan uusan taageero ka heysan Xisbiyada Alliasen.

Xisbiyada Centerpartiet iyo Liberalerna ayaa ku qasbay Ulf in uu ka tanaasulo qorshihiisa Dhismaha dowlada Cusub kadib markii ay ka diideen taageero uu ka helo dhinacooda.

Afayeenka Barlamaanka Sweden ayaa hada ku dhawaaqay tilaabada labaad iyo cida isku dayi karta dowlada Cusub.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here