Home Wararka Maanta Sweden oo ka hadashey Dilka Wariye Jamal Khashoggi loogu geestay Dalka Turkiga.

Sweden oo ka hadashey Dilka Wariye Jamal Khashoggi loogu geestay Dalka Turkiga.

0

Dowlada Sweden gaar ahaan Wasaarada Arimaha Dibada ayaa ka hadashey dil loo geestay wariye kasoo jeeda Dalka Sacuudiga oo lagu magacaabo Jamal Khashoggi .

Wariyaha oo ku sugnaa Dalka Turkiga ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Qunsurliyada Sacuudiga uu ku leeyahay Dalka Turkiga kaasi oo ilaa hada la shaacin dilkiisa.

Madaxa Xiriirka ee arimaha dibada Rasmus Eljanskog oo ka hadlay dhacdadan ayaa sheegay in Sweden u baahantahay baaritaan lagu sameeyo dhacdada.

Waxa uu intaasi ku daray in ay jiraan dhacdooyin badan oo ku aadan dilka wariyaha lakin Sweden ay taagantahay booska wadamada yurub ay arintaasi ka istaageen.

Wararkii ugu danbeeyay ee Dilka wariyaha Ayaa sheegaya in Turkiga uu helay Codad iyo muuqaal muujinaya in wariyaha la dilay marka uu galay qunsuliyada.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here