Home News in English Maxaa ku soo kordhay Dhismaha Dowlada Cusub ee Sweden iyo Khilaafka Xisbiyada.

Maxaa ku soo kordhay Dhismaha Dowlada Cusub ee Sweden iyo Khilaafka Xisbiyada.

0

Mudo isbuuc iyo dhoor maalin ayaa ka hartay waqtiga uu qabtay Hogaamiyaha Xisbiga Moderateka oo sheegay in uu soo dhisayo dowlada u badan Garabka Alliancen isla markana taageero ka heleysa Xisbiga Socidalmoderaterna.

Hogaamiyaha Xisbiga M ulf kristersson ayaana u muuqda mid dhiaato ka heesata sidii uu u soo dhisi lahaa dowlada cusub madama uu horgeenayo Barlamaanka si kalsoonida loo siiyo.

si uu Barlamaanka u horgeeyo waa in uu marka hore kala soo heshiiyaan xisbiyada kale hadii kale waxaa dhici karta in uu waayo kalsoonida isla markana ku fashilmo.

Mudada uu qabsaday waxaa ka hartay dhoor cisho lamana saadaalin karo natiijada iyadoo la sugayo waqtiga uu qabsaday si uu u soo dhiso dowlada cusub.

Dhanka kale Xisbiga Socialdemokraterna ayaa ku celinaya go.ankiisa ku aadan dhismaha dowlada cusub isagoo horay u sheegay in laga gudbo waxa loo yaqaano (blockers party ) si loo dhiso dowlada guud.

ugu danbeyn afayeenka Barlamaanka sweden ayaa dhankiisa wada dadaalka uu ku doonayo in uusan fashilmin dhismaha dowlada madama ay dhici karto in doorasho lagu laabto.

Wixii ku soo kordha lasoco

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here