Home Wararka Maanta Maxaa Kasoo baxay Kulankii Afayeenka Barlamaanka Sweden uu la qaatay Hogaamiyaasha Xisbiyada.

Maxaa Kasoo baxay Kulankii Afayeenka Barlamaanka Sweden uu la qaatay Hogaamiyaasha Xisbiyada.

0

Afayeenka Barlamaanka Sweden Andreas Norlén ayaa kulan la qaatay Hogaamiyaasha Xisbiyada isagoo isku dayaya Sidii loo dhisi lahaa Dowlada Cusub.

kulanka uu la qaatay Hogaamiyaasha ayaa u muuqta kuwa ku dhamaaday guul la. an waxa dhici karta in kulamo kale oo dheeraad ah la qabto.

Andreas Norlén ayaa warbaahinta u qabtay Shir jaraa. id kadib markii uu dhameeyay kulamada waxana uu sheegay in uu falanqeeyay aragtiyo kala duwan isagoo intaasi ku daray in uu la kulmayo kuxigeenadiis Barlamaanka si uu ugala hadlo kulamada uu sameeyay.

Afayeenka ayaa intaasi ku daray in Isteebka xiga uu noqonayo wada hadalo kale oo dhacaya maalmaha soo socda.

wada Hadalada dhacay ayaa u muuqda kuwa aanan kasoo bixin wax heshiis ah iyadoo go. anka uu u muuqdo mid gacanta ugu jira Stefan Löfven (S) iyo Ulf Kristersson (M).

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here