Home News in English Xisbiyada isbaheysiga ee Alliansen oo soo sharaxay Musharaxa Afayeenka Barlamaanka.

Xisbiyada isbaheysiga ee Alliansen oo soo sharaxay Musharaxa Afayeenka Barlamaanka.

0

iyadoo maalinta isniinta ee soo socota lagu wado doorashada Afayeenka Barlamaanka Sweden ayaa xisbiyada kuwooda isbaheestay waxay bilaabeen magacaabida cida u noqoneyso musharaxa gudoomiyaha.

Xisbiyada isbaheystay ee Alliancen ayaa ku dhawaaqay in Anderas Norlén uu yahay musharaxa Afayeenka Barlamaanka Sweden sida uu sheegay Tobias Billström oo ka tirsan Xisbiga Moderatka.

Anderas Norlén ayaa ka tirsanaa Barlamaanka Sweden tan iyo sanadkii 2006 isagoo kasoo shaqeeyay xilal kala duwan oo dhanka Barlamaanka.

W Jonsson oo ka tirsan isbaheysiga Alliancen isla markana hogaamiya Xildhibaanada Centerpartiet ayaa sheegay in musharaxa Norlén uu yahay qof qibrad badan u leh hogaaminta Barlamaanka.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here