Home Wararka Maanta Malmö Xisbiga Moderateka oo la kulmay Dhigiisa Xisbiga Sverigedemokraterna..

Malmö Xisbiga Moderateka oo la kulmay Dhigiisa Xisbiga Sverigedemokraterna..

0

Hogaamiyaha Xisbiga Moderaterna ee Caasimada Malmö ayaa kulan la qaatay dhigiisa xisbiga Sverigedemokraterna kulankaasi oo ku aadan sidii meesha looga saari lahaa xisbiga Socialdemokraterna.

Magnus Olsson, oo ah hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna ee degmada Malmö ayaa sheegay in uu kulan la qatay Torbjörn Tegnhammar oo moderaterna si hogaanka looga qaado Katrin Stjernfeldt Jammeh oo ka tirsan Socialdemoktarna.

Socialdemokraterna ayaana magaalada Malmö hogaaminayay 24 kii sano ee lasoo dhaafay Olsson ayaa joornaalka Sydsvenskan u sheegay in kulanka looga hadlay sidii loobadali lahaa hogaanka.

Sharaxaad Sida Golaha degmada Malmö loogu kala horeeyo.

Tirada guud ee kuraasta degmada Malmö ayaa ah 61 korsi waxana Xisbiyada isbaheestay ay heestaan 20 kamid ah 61 kursi hadii ay ku darsadaan xisbiga Qaxootiga neceb ee Sverigedemokraterna waxay tagayaan 31 kursi oo kamid ah 61 kursi tirada guud.

Dhanka Xisbiyada rödgröna ayaa heesta 30 kursi oo kamid ah 61 kursi taasi oo kadhigan in hal kursi looga qaado.

hadii la tiriyo codadka u danbeeya ayaa ayaa dhici karta in halkaasi cod looga qaado xisbiga socialdemokraterna inkastoo isbadal kale uu dhici karo.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here