Home Wararka Maanta Xisbiyada isbaheestay ee Alliansen oo ku horeeya Gobolada qaarkood halka rödgröna uu...

Xisbiyada isbaheestay ee Alliansen oo ku horeeya Gobolada qaarkood halka rödgröna uu hoos u dhacay..

0

wali waxaa harsan tirinta codadka qaarkood waxana gobolada qaar ku soo baxay xisbiyada isbaheestay ee Alliansen kuwaasi oo awooda kala wareegay kuwa Rödgröna.

Gobolada ay la wareegi karaan Alliansen waxaa kamid ah Skåne iyo Östergötland halka Jämtland iyo Uppsala län ay la wareegi karaan awoodooda dhanka kale xisbiga Miljöpartiet ayaa lumiyay goobaha qaarkood ee gobolada uu markii hore codad ku lahaa.

Dhanka caasimada Stockholm xisbiyada isbaheestay ayaa sii wata awoodooda Golaha Deegaanka halka kuwa kale ay yihiin meel dhaxaad.

xisbiga Socialdemokraterna ayaa lumiyay codad badan uu ku lahaa Gobolka Västernorrland. sidaasi oo ay tahay isaga iyo Vänsterpartiet ayaa ah kuwa ugu weyn Gobolkaasi.

Xisbiga daryeelka caafimaadka ee Sjukvårdspartiet ayaa helay codad badan oo laga tiriyay dhanka waqooyiga sweden Codadka la tiriyay waxaa u codeeyay 33 boqolkiiba dhanka waqooyi.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here