Home Wararka Maanta Hogaamiyaasha Xisbiyada Dalka oo ka hadlay Natiijada la sugayo ku dhawaaqisteda..

Hogaamiyaasha Xisbiyada Dalka oo ka hadlay Natiijada la sugayo ku dhawaaqisteda..

0

ma cada cida sida rasmiga ah hogaanka dowlada sweden u qabaneysa mudada afarta sano ee soosocota iyoo ay wali la tirinayo codadka la dhiibtay oo hada kala bar la tiriyay.

Xisbiyada qaarkood ayaana xalay saq dhexe la hadlay warbaahinta iyadoo ka hadlay doorashada soo dhamaatay iyo tirinta codadka ee bilaabatay iyo rajada xisbigooda ee dhanka hogaanka.

Raisal wasaaraha Sweden Stefan Löfven ee xiligan ayaa sheegay in uu hayo masuuliyida dalka ilaa inta looga dhawaaqayo cida guuleesatay.

Stefan Löfven ayaa intaasi ku daray in aysan jirin cid wali ku guuleestay doorashada lakin ay dhici karto in xisbiyada isbaheestaan si dowlad cusub loo helo.

Xisbiga moderate oo noqday xisbiga labaad ee ugu balaaran dhanka doorashada ayaa dhankiisa hadlay  Ulf Kristersson . waxa uu sheegay in Stefan uu shaqada ka tagayo isla markana uu noqonayo raisal wasaaraha cusub ee sweden.

dhanka kale Sverigedemokraterna ayaa u muuqda midka sadaxaad ee dhanka doorashada waxana uu helay codad badan marka loo eego doorashadii hore ee 2014.

Jimmie Ã…kesson. ayaa warbaahinta u sheega in ay yihiin kuwa guuleysanaya isla markana qof kasta oo doonaya hogaanka dalka u baahanyahay caawintooda.

Kristdemokraterna, Centerpartiet iyo Vänsterpartiet ayaa helay codad dheeraad ah iyagoo sare u kacay marka la eego doorashadooda u danbeesay.

Miljöpartiet ayaa lumiyay codad badan waxana uu noqonayaa xisbiga ugu yar ee dhanka doorashada sweden.

Lasoco marka nataajida lagu dhawaaqo.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here