Home Wararka Maanta Wadanka Denmark oo Aqoonsaday Basaboorka Dalka Somaliya..

Wadanka Denmark oo Aqoonsaday Basaboorka Dalka Somaliya..

0

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) iyo wafdi uu hoggaaminayey oo booqasho rasmi ah ku tagey dalka Denmark kadib martiqaad uga yimid dowladda, ayaa kulamo la qaatey wasaaradda arimaha dibadda, wasiirka socdaalka, iyo xaafiiska u qaabilsan hormarinta Africa.

Kulamada oo socdey muddo labo maalin ah ayaa xoogga lagu saarey arimo ay kamid ahaayeen amniga, socdaalka, baasaboorka Soomaaliya iyo kaalmada Denmark ay ku bixiso dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka amniga ayaa warbixin ka siiyey madaxda Denmark hormarka laga sameeyey dhinacyada dowlad wanaagga, amniga, socdaalka, Dukumentiyada safarka, caddaaladda, iyo la dagaalanka Musuqqa, wuxuuna uga mahadceliyey taageerada iyo tixgelinta ay siiyaan dalka iyo dadka Soomaaliya.

Gabagabadii kulamada ayaa la isla qaatey iskaashi dhinacyada amniga iyo socdaalka ah, waxayna dowladda Denmark aqoonsatey baasaboorka Soomaaliya, iyaga oo ku bilaabi doona nooca diplomaasiga ah.

Dowlada Denmark ayaa balan qaaday in dowlada Soomaaliya ka caawin doonta dhismaha xaruunta lagu hubinayo amniga iyo tayada dukumentiya dalka, iyo sidoo kale dhismaha xaruunta dhexe hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, iyaga oo kordhin doona dhaqaalaha ay ku bixiyaan dib u dhiska Soomaaliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here