Home News in English Dood Adag oo dhexmartay Hogaamiyaasha Xisbiyada Dalka Sweden..

Dood Adag oo dhexmartay Hogaamiyaasha Xisbiyada Dalka Sweden..

0

iyadoo lagu jiro maalmaha u danbeesay ee doorashada Sweden ayaa markale waxaa dood loo qabtay Xisbiyada Sweden.

Yaa Heysta Fursada ugu feecan ee  Sweden looga dhigi karo Wadan Wanaagsan? ayay aheyd su.aasha la dhexdhigay hogaamiyaasha Xisbiyada.

Kulanka dooda ayaa ka dhacay Magaalada Gävle gaar ahaan Hoolka ciyaaraha ee (sporthallen) Halkaasi oo Xisbiyada isku jeediyeen dhaleeceen kala duwan.

Hogaamiyaha Xisbiga Socialdemokraternas Stefan ayaa sheegay in Xisbiyada isbaheestay ay hoos u dhigayaan isagoo intaasi ku daray in aysan lacagtaasi ku filnaaneen wixii lagu qaban lahaa.

Xisbiyada isbaheestaya ayaa arinta Canshuurta ugu jawaabay in aad u sareyso sanadihii u danbeesay isla markana sweden ay sii xumaaneyso.

Marka laga tago Qodobada ay isku hayaan dhanka kale guud ahaan Xisbiyada waxay isku raaceen in loo baahanyahay Boolis badan iyo Xaruumo Caafimaad oo wanaagsan.

Waa Doodii Labaad ee loo qabto Xisbiyad Dalka kahor doorashad iyadoo Dood kale loo qabtay Xalay taasi oo ka baxday Talafashinka SVT.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here