Home Wararka Maanta Wiil Somali ah oo lagu dilay Caasimada Dalka Canada..

Wiil Somali ah oo lagu dilay Caasimada Dalka Canada..

0

Dilka Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa xalay waxa uu ka dhacay Xaafad ka tirsan Magalada Toronta ee dalka Canada,waxaana la sheegay in dilkiisa tooreey loo adeegsaday.

Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu magacaabi jitay Kaafi Bashiir Bahweyn,waxaana inta aan la dilin ka hor  la sheegay inay wada dagaalameen dhalinyaro kale oo Soomaali ah ah.

Yuusuf Maxamed Xuseen oo ka mid ah Soomaalida ku nool Toronto ayaa sheegay in Alle ha u naxariistee Kaafi Bashiir ay waalidiintiisa u sheegeen in xilligii uu guriga imaan jiray habeenkii uu ka soo daahay,isla markaana sidoo kale lagu soo wargeliyey in dilkiisa ay ka dambeeyaan dhalinyaro kale ee Soomaalia ah.

Waxa uu sheegay in Wiilkaas uu ka mid ahaa dhalinyarada ka Shaqeysa Amniga laakin ilaa iyo hadda aysan garaneyn sababha keenay in la dilo,balse ay socdaan baaritaano ku aadan dadkii ka dambeeyey dilkiisa.

Dalka Canada waxaa ku nool Soomaali aad u farabadan,waxaana aad ugu batay dilalka loo geysto dhalinyarada Soomaalida ah taas oo ay walaac ka muujiyeen Waalidiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here