Home Wararka Maanta Xisbiga Moderatka oo Cambaareeyay Qorshaha Canshuurta ee Xisbiga socialdemokraterna..

Xisbiga Moderatka oo Cambaareeyay Qorshaha Canshuurta ee Xisbiga socialdemokraterna..

0

Xisbiga socialdemokraterna ayaa sheegay in uu saro u qaadayo canshuurta laga qaado bangiyada dalka iyo sidoo kale ganacsiga kale ee laga faa.ido lacagta xad dhaafka ah.

wasiirada dhaqaalaha sweden Magdalena Andersson ayaa shalay oo arbaco ah sheegtay hadalkaasi iyadoo intaasi ku dartay in lacagta dhan 5 billion saro loogu qaadidoono.

xisbiga Moderatka ayaa dhaleeceen adag u jeediyay qorshahaasi kuna tilmaamay mid aad u xun.

” Qorshaha Xisbiga socialdemokraterna  waa mid kala daadsan oo aad u xun sidasi darteed Magdalena Andersson  waxay isku dayeysaa in ay qariso sida ay siyaasada ugu fashilantay” Elisabeth Svantesson oo ka tirsan Xisbiga Moderatka ayaa sidaasi tiri.

sidoo kale waxaa cambaareyta jeediyay xisbiga bidix ee ka tirsan Xisbiyada kaasi oo tilmaamay in ay tahay canshuur adag.

Somaliska Stockholm

 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here