Home News in English Imisa Qof oo jabuutiyaan ah ayaa laga ceshtay Sharciga Dalka Norway..

Imisa Qof oo jabuutiyaan ah ayaa laga ceshtay Sharciga Dalka Norway..

0

iyadoo sanadihii u danbeesay ay taagneyd ugaarsi lagu hayo dadka heesta sharciga dalkaasi norway ayaa dadka qaarkood laga ceshtay sharciga kadib markii lagu eedeeyay in ay wadan kale kasoo jeedan.

Somalida heesata sharciga dalka ee daganaanshaha ayaa qaarkood lagu eedeeyay in aysan aheyd somali isla markana kasoo jeedaan dalka jabuuti.

Wargeyska VÃ¥rtland oo soo xiganaya warbaahinta dalka norway ayaa sheegay in sharciga dalka laga ceshtay ku dhawaad 28 qof oo jabuutiyaad ah kuwaasi oo isku dhiibay in ay kasoo jeedan dalka Somaliya.

dadka sharciga laga ceshtay waxaa ku jira haweney somali ah oo lix bilood xabsi ah lagu xukumay kadib markii la sheegay in ay sheegtay macluumaad been ah sida in ay somaliya kasoo jeeda inkastoo ay kasoo jeeday dalka jabuuti.

dadka lagu eedeeyay in ay jabuuti kasoo jeedaan waxaa ku jira Maxamed abiib oo ah wiil dhalinyaro ah isla markana waxbarashada heerka jaamacada kaga baxay dalkaasi kaasi oo sharciga laga ceshtay.

sida somaliska ogaatay waxaa hoos u dhacay cadaadiska lagu hayay somalida ee dhanka sharciga dalkaasi inkastoo wali ay jiraan cadaadis mararka qaar iska dhaca ee ku aadan dhanka laanta socdaalka ee UDI.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here