Home Wararka Maanta Sweden oo diiday Qaabilaada Qaxooti Saaran Markab ku xayiran Dalka Taliyaaniga..

Sweden oo diiday Qaabilaada Qaxooti Saaran Markab ku xayiran Dalka Taliyaaniga..

0

Dowlada Sweden ayaa ka hadashay markab ku xayiran dalka taliyaaniga kaasi oo sida ku dhawaad 170 ruux oo qaxooti ah.

Dadkaasi oo laga soo badbaadiyay bada u dhaxeysa Libiya iyo Taliyaaniga waxaa soo badbaadiyay markab nuuca bada ilaaliya oo ay leedahay dowlada taliyaaniga.

Taliyaaniga ayaana diiday in markabka uu ku soo xirto mid kamid ah jasiiradaheeda ilaa wadamada kale ee yurub kala qeyb sanayaan dadkaasi doonta ku xayiran.

Sida uu saaka shaaciyay raadiyaha dowlada Sweden ee Ekot sweden ayaa diiday in ay qaabisho dadkaasi ku xayiran doontaasi.

Lars Westbratt, oo u hadlay waaxda cadaalada sweden ayaa sheegay in sweden aysan qaabileen qaxootiga isla markaan ay heesato qaxooti ku filan.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here