Home Wararka Maanta Dadka ku sugan Caasimada Oslo Waa in ay iska kariyaan Biyaha ay...

Dadka ku sugan Caasimada Oslo Waa in ay iska kariyaan Biyaha ay isticmalayaan..

0

dadka ku sugan koonfurta Caasimada Oslo iyo sidoo kale dhulka islands ayaa loo diray fariimo ku aadan in ay iska kariyaan biyaha ay isticmaalayaan.

Fariimaha ayaa yimid kadib markii biyaha laga isticmaalo dhulkaasi lagu arkay Becteria taasi oo keentay in la diro fariimaha ku aadan karinta biyaha si looga dilo bakteeriyada.

Tone Spieler oo u hadlay dhanka dowlada ayaa sheegay in tijaabo laga qaaday biyaha lagu ogaaday halista bakteriyada ku jirta biyaha isla markana wadaan sidii loo nadiifin lahaa.

tijaabo lagu sameeyay isbuucii lasoo dhaafay ayaa lagu ogaaday in wali bakteriyada ay ku jirto sida biyaha oo wasaqeysan sida uu markale sheegay Tone.

si aad kaga badbaado jeermiska biyaha waa in aad karkarisaa biyaha daqiiqad si ay kaga dhinteen jeermiska.

Somaliska Oslo

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here