Home Wararka Maanta Sweden oo Magdhow siisay gabadh diiday in ay salaanto Nin ka qaadayay...

Sweden oo Magdhow siisay gabadh diiday in ay salaanto Nin ka qaadayay Wareysi Shaqo..

0

Gabadh muslim ah oo u dhalatay dalka Sweden ayaa ku guulaysatay magdhow kadib markii waraysi ay shaqo u galaysay laga joojiyay markii ay diiday in ay gacan qaaddo ninkii imitixaanka shaqada qaadayey.

Farah Alhajeh, waa 24 jir, waxa ay codsanaysay shaqo tarjumaanimo, waxayna diiday in ay gacan qaaddo nin imtixaanka shaqada qaadayey sababo la xiriira diinteeda.

Wadnaheeda ayay gacanta saartay halkii ay gacanta ka salaami lahayd.

Maxkamadda shaqaalaha ee Sweden ayaa xukuntay in sharikaddaas ay ku kacday fal faquuq ah oo kadhan ah gabadhaas. Waxaana lagu ganaaxay in ay sharikaddaasi bixiso lacag dhan $4,350 oo magdhow ah.

Muslimiinta qaar ayaa ka dhawrsada in ay salaamaan ama ay taabtaan jinsiga kale ee lidka ku ah, marka laga reebo qoyskooda hoose.

Si kastaba ha ahaatee waddamada Yurub qaarkood gacan qaadka ama salaantu waxay ka tahay dhaqan, Sharciyada kadhanka ah faquuqa ayaa u diidi kara sharikadaha iyo hay’adaha guud in ay dadka ula dhaqmaan si gooni ah Jinsigooda dartiis.

Xafiiska Sweden u qaabilsan baaritaanada ku aaddan faquuqa, kaas oo matalayey Ms Alhajeh oo 24 jir ah, ayaa sheegay in xukunka lagu saleeyey ” danaha qofka shaqada leh, xaqa qofku uu u leeyahay in uu dhowrsanaado, iyo muhimadda ay dawladda u leedahay ilaalinta xorriyadda diinta”

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here