Home Wararka Denmark Booliska Denmark oo ganaaxay Haweeneydii ugu horeesay ee Xiratay Indho-shareerka..

Booliska Denmark oo ganaaxay Haweeneydii ugu horeesay ee Xiratay Indho-shareerka..

0

Booliska Denmark ayaa markii ugu horeesay ganaax dul dhigay Haweeneydii ugu horeesay ee xiratay indho-shareerka kadib sharci sadax maalin kahor ka bilowday Dalkaasi.

Haweeneydan ayaa soo gashay goob Suuq ah iyadoo xiran indho shareerka waxana kula dhagay haweeney kale oo goobta ku sugneyd isla markana kasoo horjeeda xirashada indho shareerka.

Booliska ayaana goobta soo gaaray waxana haweeneyda lagu amray in goobaha guud ee bupliga ah in aysan ku xiran kale indho-shareerka.

Booliska ayaana isla goobta ganaax dul dhigay haweeneydaasi kaasi oo ah lacag dhan 1000 kronor oo u dhiganta 156 lacagta Euroga ah.

Waa markii ugu horeesay ee Sharcigaasi lagu ganaaxo qof tan iyo 1 Aguest oo uu bilowday sharcigaasi.

Somaliska Denmark

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here