Home News in English Maxaa Ku soo kordhay go.anka Migrationsverketka looga joojiyay Sharciga Waxbarashada Dugsiga Sare..

Maxaa Ku soo kordhay go.anka Migrationsverketka looga joojiyay Sharciga Waxbarashada Dugsiga Sare..

0

Inkastoo ay aheyd rajo feecan oo dhalaan badan ku heli kareen Sharciga Dalka hadana labo Maxkamadood oo Sweden ugu weyn ayaa diiday Sharciga.

Sharciga oo dhigaya ardayda Waxbarashada sare ee Högskolanka gaaray in ay heli karaan sharciga Dalka ayaa dhawaan la ansixiyay hase yeeshee maxkamadaha ayaa ku doodaya in daloolo badan ama qalad badan ku jiro.

Maxaa ku soo kordhay go.anka.

Hay.ada laanta Socdaalka Sweden ee Migrationsverket ayaa sheegtay in wali ay sugeyso go.anka Maxkamada ee ku aadan in Sharciga dib loo ogolaado.

Hay.ada ayaa sheegtay in wali uu soo gaarayo go.an diidmo ah oo la xiriira sharciga madama labo kamid ah Maxkamadaha laanta Socdaalka ay laaleen Sharcigan.

Migrationsveeketka ayaa intaasi ku dartay in sameyn ku yeelan karo sharciga lagu helayo deganaanshaha Dalka hadii aan la helin qorsho cusub oo lagu hago Maxkamada sare ee laanta Socdaalka Dalka.

Waxay hay.ada intaasi ku dartay in Sharcigan uu noqonayo mid aan la hubin hadii codsiga racfaanka uusan noqon mid guuleesta taasi ayaana ka dhigan in wali aan lagu guuleysan sii socoshada Sharciga.

Ku dhawaad 4000 kun oo qof ayaa xareestay Sharcigan tan iyo markii la ansixiyay bishii July waxana go.an laga gaaray 100 kamid ah kiisaska la qabtay Markaasi.

Wixii ku soo kordha lasoco go.aanadaasi

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here