Home Wararka Maanta Qarax ka dhacay guri ku yaalla Magaalada Mälmo oo loo xiray Qof..

Qarax ka dhacay guri ku yaalla Magaalada Mälmo oo loo xiray Qof..

0

Aroornimadii Saaka ayaa qarax waxaa laga maqlay Guri ku yaalla Magaalada Mälmo kaasi oo aan la aqoon nuuca uu yahay.

Qaraxa ayaa dhacay abaaro 6 aroornimo ee saaka waxana soo daatay guud ahaan Daaqadaha guriga uu ka dhacay qaraxa oo ku yaalla Koonfurta Mälmo.

Stephan Söderholm oo u hadlay booliska ayaa sheegay in qofna uusa  ku dhaawacmin Qaraxa isla markana uu socdo baaritaan xoogan.

Sida ay sheegayaan wararka ugu danbeeyay hal qof ayaa loo xiray Qaraxa ka dhacay guriga kaasi oo da.diisa lagu sheegay 60 sano jir.

Warbaaginta qaarkood ayaana qoraya in qofkaasi la siidaayay kadib markii lagu waayay wax danbi ah oo la xiriira Qaraxa.

Somaliska Mälmö

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here