Home Wararka Denmark Dayax Madoobaadkii ugu Waqtiga dheeraa oo Xalay ka dhacay Caalamka..

Dayax Madoobaadkii ugu Waqtiga dheeraa oo Xalay ka dhacay Caalamka..

0

Inta badan dunidda waxaa xalay laga Arkay dayax Madoobaad , waxaana la sheegay in uu yahay Midkii ugu dheeraa ee Adduunka soo mara sanadyadii ugu dambeeyay.

 Hay’adda hawada sare u qaabilsan Maraykanka (NASA) ayaa sheegtay in Dayax madoobaadkaan uu ahaa midkii ugu dheeraa qarniga 21aad

Qaaraddaha iyo Meelaha sida wayn looga dareemay waxaa ka mid ah qaar ka mid ah dalalka qaarada Afrika iyo Australia iyo goobo kale oo caalamka ka tirsan.

Siinisyahanada ayaa horey u saadaaliyay inuu dhacayo dayax madoobaadkani.

Koofurta Ameerika, ayaa qeyb ahaan laga arkay deegaannada dhinaca bari sida magaalooyinka Buenos Aires, Montevideo, Sao Paulo iyo Rio de Janeiro.

Soomaaliya Meelo badan oo ka mid ah ayaa xalay laga Arkay dayax Madoobaadka, waxaana ay dadka Soomaaliyeed oo Muslimiin ah ay bilaabeen in ay Saaladda Tukaddaan oo ay Masaajidka galaan.

Dayax madoobaadka ayaa socday hal saac iyo 43 daqiiqo.

Sidda ay sheegaan Sanisyahanadda Dayax madoobaad ayaa dhacaa marka qorraxda, dhulka iyo dayaxu ay isku beegmaan, taa micnaheedu waa in dhulku uu soo kala dhex galayo qorraxda iyo dayaxa, oo uu ka xannibayo iftiinka qorraxda inuu gaaro dayaxa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here