Home Wararka Maanta Qoyska Marxuum kasoo jeeda Somaliya ee lagu dilay Dalka Canada oo Dacwad...

Qoyska Marxuum kasoo jeeda Somaliya ee lagu dilay Dalka Canada oo Dacwad Cusub gudbiyay..

0

Iyadoo 2 sanno ka wareegtay markii ay Boliska ka hawl gala Caasimadda dalkaasi ee Ottawa dileen Marxuum la oran jirey C/raxmaan Cabdi ayaa waxay dacwad ku soo oogeen 2-dii Askar ee dilka geysatay iyo Taliyaha Boliska Ottawa, waxayna Qoyskaasi codsadeen Magdhow Lacageed oo dhan 1.5 million oo Dollar.

Dacwadaasi waxaa bishan July 17-dii loo gudbiyey Maxkamadda Ottawa, iyadoo 8 xubnood oo ka tirsan Qoyska Marxuumka sheegeen inay dhibaato dhimirka ah kala kulmeen dhacdadii lagu dilay Marxuumkaasi sannadkii 2016-kii.

Waxay kaloo doonayaan in la siiyo lacag dhan 500,000 oo Dollar oo khasaarihii ciqaabeed ee dhacay iyo in qof kasta oo ka mid ah Qoyska ku saxiixan dacwadda la siiyo  lacago.

Dacwad-oogistan waxaa si rasmi ahaan loo shaaciyey maalintii shalay oo Talaado ahayd, iyadoo ay xubno ka tirsan Qoyska Marxuumka iyo Jaalliyadda Somali-Canadian-ka shalay isugu tageen meel ku dhow halkii lagu dilay Marxuumka sannadkii 2016-kii.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here