Home News in English Somalida Mareykanka oo loo Cusbooneysiiyay Sharciga Ku Meel gaarka ee ka dhacsanaa..

Somalida Mareykanka oo loo Cusbooneysiiyay Sharciga Ku Meel gaarka ee ka dhacsanaa..

0

Waaxda Arrimaha Gudaha Mareykanka (Homeland Security) ayaa u ogolaatey ku dhowaad 500 oo Somali ah, in loo cusbooniisiyo sharciga TPS-ka oo ah sharci KMG  badbaadinayana qaxootiga Mareykanka ku nool Maraykanka haysana dhalashada dalkaas.

Go’aankan waxaa soo dhoweeyey Hayadaha u dooda xuquuqda Qaxootiga iyo Sharci-dejiyaasha Mareykanka ee wadey ololaha ah in dadka dib loogu cusbooneysiiyo sharciga TPS-ka

Tallaabadan ayaa boqollaalkan ruux inay sharci ku joogaan kagana shaqeystaan dalkan Mareykanka.

Shantan boqol ee somalida ah ayaa horey ugu joogay waddankan isla sharcigan TPS-ka oo ah sharci badbaado KMG siinaya qaxootiga Soomaliyeed ee aanan sifo amni awgeed dalka Somalia dib loogu celin karin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here