Home Wararka Maanta Jimmie Åkesson Dhibaatada Sweden waa Qaxootiga Dalka Imaanaya iyo Lacagta lagu bixiyo..

Jimmie Åkesson Dhibaatada Sweden waa Qaxootiga Dalka Imaanaya iyo Lacagta lagu bixiyo..

0

Hogaamiyaha Xisbiga sverigedemokraterna oo ka hadlay Almedalen isagoo Hadalkiisa kaga hadlay xaalada Sweden iyo in ay sii xumaatay.

Jimmie Åkesson ayaa khudbadiisa kaga xaalada Qaxootiga Sweden iyo danbiyada ka dhaca Dalka sidii wax looga qaban lahaa.

” Xisbiyada kale waxay bur burinayaan Dalka lakin anaga waxaan dib u dhisneenaa Dalka Sweden ” sidaasi ayuu yiri Jimmie Åkesson.

” waxaan u baahanahay Lacag si aan u yareeno safka loogu jiro xaruumaha Caafimaadka sidoo kale aan u joojino dambiyada lakin lacagtaasi waxaa lagu qarash gareeyaa Qaxootiga” Jimmie Åkesson ayaa intaasi ku daray hadalkisa.

Ugu danbeyn ayuu ka hadlay arinta kooxaha Naziyinta waxana uu sheegay in la mamnuuco kooxahaasi isla markana la dhigo Xabsiyada kuwa sameenaya rabshadaha.

Sweden ayaa ku jirtaa xiligii ugu adkaa ee dhanka doorashada taasi oo dhawaan dhaceysa isla markana lagu dooranayo xisbi cusub.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here