Home News in English Sweden Tirada Dadka Sugeysa Jabaaha Go.ankooda tan iyo 2015 oo la Shaaciyay..

Sweden Tirada Dadka Sugeysa Jabaaha Go.ankooda tan iyo 2015 oo la Shaaciyay..

0

Sanadkii 2015 Waxaa iswiidhan soo gaaray ku dhawaad 150,000 kun oo Qaxooti ah kuwaasi oo qaab magangalyo ahaan Isku dhiibay.

Dadka ugu badan ayaa ka yimid Dalalka Ciraaq, Afganistan iyo Suuriya oo dagaalo ka socdaan iyadoo Somaliya ay ku jirtay inkastoo aanan lagu xusin Qoraalka.

Sida uu daabacay maanta Joornalka Dagens Nyhetee ku dhawaad 4 kun oo dadkaasi kanid ah ayaanan helin jawaabaha kiiskooda.

Dadkaasi badankooda ayaa sugaya Jawaabahooda ku dhawaad 3 sano oo xiriir ah mana jirto jawaab ay heleen.

Laanta Socdaalka ee Migrationsverket ayaa iska leh go.anka inkastoo ay qaadatay waqti dheer hadana waxaa la hakiyay shaqooyinka xaruumaha qaar madama uu hoos u dhacay qaxootiga Dalka imaanaya.

Qoraalka uu daabacay Joornalka Dagens Nyheter ayaa imaanaya iyadoo isbuuc kahor uu Barlamaanka Ansixiyay Sharci Cusub oo fursad lagu siinayo Dhalaanka kaligood Socodka ee dalka imaanaya

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here