Home Wararka Maanta Sawiro Dowlada Australia oo Shaacisay Magaca Haaweney Somali ah oo Daacish lagu...

Sawiro Dowlada Australia oo Shaacisay Magaca Haaweney Somali ah oo Daacish lagu eedeyay..

0

Booliska Australia waxay markii ugu horreysay baahiyeen magaca iyo sawirka Haweeney Soomaali ah oo lagu eedeynayo inay tahay xubintii ugu horreysay ee ku nool Koonfurta Australia oo ka mid noqota Kooxda Daacish.

Zaynab C/raxmaan Khaliif oo ah Arday barata Kalkaaliye Caafimaad waxay Booliska Australia  ku qabteen bishii May ee sannadkii hore Kambaska Jamaacadda tafe  oo ku taalla magaalladda dekedda leh ee Adelaide tafe

Balse, waxay  Maxkamadaha Australia xilligaasi mamnuuceen in magaceeda iyo sawirkeeda la shaaciyo iyo in loo adeegsado Warbaahinta.

Zaynab C/raxmaan Khaliif oo 23-jir ah waxaa lagu eedeeynayaa inay Daacish kula xiriiri jirtey Online, ayna u sheegi jirtay inay daacad u tahay.

Waxaa kaloo lagu eedeeyey marka ay gurigeeda joogto inay ku luqeyn jirtey Nashiidooyinka jihaadiga ah ee Borobogaandada Kooxda Daacish ku baahiyaan Internet-ka.

Kaaliyaha Taliyaha Boliska Federalka Australia, Ian McCartney waxa uu sheegay inaysan Somali ahaan u beegsanin Haweeneydaasi, balse  ay beegsadeen dambiile  aaminsan fekerka dilka iyo qarbudaada ku dhisan ee Kooxaha argagixisadda.

Balse, Qareenkeeda oo lagu magacaabo Craig Caldicott ayaa su’alo ka keenay caddaymaha loo isticmaalay eedeymaha loo haysto Zaynab C/raxmaan Khaliif, isagoo beeniyey inay xubin ka tahay Kooxda Daacish, inkastoo uu qiray inay danaynaysay inay xubin ka noqoto Kooxdaasi.

Dhegeysiga Dacwadeeda waxay bilaaban doontaa bisha August 13-da ee sannadkan, waxaana la rajeynayaa inay dacwadeeda socoto ilaa 7 isbuuc iyadoo muteysan doonta xabsi ilaa 10-sanno, haddii lagu keeno dembiga lagu soo eedeeyey.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here