Home Wararka Maanta Maxkamada ugu sareysa Marekanka oo taageertay go.anka Trump ee lagu Mamnuucay Qaxootiga...

Maxkamada ugu sareysa Marekanka oo taageertay go.anka Trump ee lagu Mamnuucay Qaxootiga Dalalka..

0

Maxkamada sare ee dalka Mareykanka ayaa taageertay amar hore u soo saaray Madaxweynaha dalka Mareykanka oo looga mamnuucayay in dalka Marekanka kusoo galaan dadka u dhashay shan wadan oo Muslim ah.

Go’aanka maxkamadda oo ahaa 5-4, ayay ku xukuntay in madaxweynaha uu sharciga socdaalka Mareykanka awood u siinayo inuu xadido safarka dadka ajnabiga ah, sababo la xiriira xagga amniga.

Xaakimka sare ee maxkamadda dalka Mareykanka John Roberts ayaa sheegay in Madaxweynaha si sharci ku jiro u adeegsaday ikhtiyaarka uu siinayo sharciga socdaalka, si dadka ajnabiga ah uu uga hakiyo inay soo galaan dalka Mareykanka.

Waxa uu sidoo kale sheegay Xaakimka in Madaxweyne Trump uu buuxiyey wixii looga baahnaa ee dhinaca sharciga ah ee uu ku bartilmaameedsanayo dadka aan dalka u dhalan ee socdaalka looga mamnuucay in Mareykanka ku yimaadaan.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa horey usoo saaray amar oo dhinaca socdaalka uga mamnuucayay in dalka Mareykanka kusoo galaan dadka u dhashay wadamada Iran, Libya, Somalia, Syria iyo Yemen.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here