Home Wararka Maanta Dowlada Austria oo Xireysa Todobo Masaajid oo ka dhisan Dalkeeda kuwaasi oo..

Dowlada Austria oo Xireysa Todobo Masaajid oo ka dhisan Dalkeeda kuwaasi oo..

0

Hoggaamiyaha Dalka Austria, Sebastian Kurz, ayaa Maanta oo Jimca ah shaaca ka qaaday inay Dowladdiisu xidheyso Toddoba masjid, 40 Imaamna ay Dalka ka saari doonto.

Chancellor-ka Austria ayaa hadalkan ka sheegay mar ay si wada jir ah shir jaraa’id u wada qabteen isaga, ku xigeenka Madaxweynaha Heinz-Christian Strache iyo wasiirkiisa arrimaha midowga Yurub Gernot Blumel, isagoo tallaabadani ku tilmaamay mid qayb ka ah siyaasadda  lagula dagaallamayo Islaamka.

Sebastian Kurz, ayaa sheegay in baaritaan ay samaysay wasaaradda dhaqanka iyo arrimaha gudaha lasoo gabagabeeyay, iyagoo markaa go’aansaday in Albaabbada laysugu dhufto Toddoba masjid oo uu mid ka mid ihi leeyahay Ururka dhaqanka Islaamka ee Turkiga (ATIB).

Ra’iisul Wasaaraha Austria,Sebastian Kurz, ayaa intaa ku daray in Imaamyada laga masaafurin doono Dalkiisa, sababo uu ku sheegay inay dhaqaale u diraan Dalka Dibeddiisa.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here