Home Wararka Maanta Dowlada Canada oo joojisay Musaafurinta Yuusuf Maadey oo Somaliya kasoo jeeda..

Dowlada Canada oo joojisay Musaafurinta Yuusuf Maadey oo Somaliya kasoo jeeda..

0

Xilli saacado ay ka dhiman tahay in Yuusuf Maadey loo soo musaafuriyo dalka Kenya ayaa waaxda socdaalka Canada waxay Yuusuf ugu tageen garoonkii laga soo qaadi lahaa, waxaana loo sheegay in la baajiyey Musaafurintiisa.

Maadey oo loo haysto in dalkaasi ku galay Baasaboor sharci darro ah, islamarkaana Kenyan ah ayaa markii uu maqlay in Sanad dalkaCanada joogi karo waxa uu tilmaamay inuu aad u farxay walibana uu ilmeeyey.

Wuxuu Maadey sheegay in uu ku dedaali doono inuu yahay Soomaali dhab ah, balse haystay Baasaboorkan Kenyanka ah.

“Waan farxay oo waan ilmeeyay markii aniga oo macsalaameeyay reerkayga la ii yimid, la iguna dhahay dalka Sanad ayaad sii joogi kartaa” ayuu yiri Yuusuf.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Canada ayaa sameysay dedaal xoooggan oo ku aaddan sidii loo baajin lahaa safarka Maadey, waana ay ku guuleysteen.

Maadey ayaa qaba gabar Somali Canadian ah, waxaana ay u haysaa Afar Carruur ah, isagana dalkaasi wuxuu galay sanadkii 2013, xilli 20 sano uu ku noolaa xeryaha IFO.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here