Home News in English Dowlada Taliyaaniga oo Celineysa Qaxooti gaaraya 500,000 kun oo soo galooti ah..

Dowlada Taliyaaniga oo Celineysa Qaxooti gaaraya 500,000 kun oo soo galooti ah..

0

Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha ee dalka Talyaaniga, Matteo Salvini waxa uu shalay sheegay in Dib-u-celinta Muhaajiriinta tahay mid ka mid ah Muhiimadiisa sare ee dalkaasi.

Matteo Salvini oo ka tirsan Xisbiga LEGA NORD PARTY waxa uu sheegay inay ka go’an tahay sidii looga hortegi lahaa Muhaajiriinta sida sharci-darradda ku soo gala Talyaaniga.

Wargeyska “The Guardian” ayaa qoray inuu  Wasiirka cusub ee Arrimaha Gudaha ee dalka Talyaaniga, Matteo Salvini horey u ballan qaaday markii uu ku jiray Ololihiisa Doorashadda inuu Talyaaniga ka masaafurin doono 500,000 oo Soo-galooti ah.

Waxa kale oo uu tilmaamay inuu wax ka beddeli doono halka lagu hayo Muhaajiriinta magan-gelyo-doonka ah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here